Booliska Soomaaliya oo Gacanta Ku Dhigay Nin Ku Eedeysan Dil Lagu Geystay Tooreey
![](https://goobjoog.s3.eu-central-1.amazonaws.com/content/uploads/2024/05/10133700/dilaa.png)
Howlgal qaatay muddo 24 saacadood oo ay sameeyeen Ciidanka booliiska Soomaaliyeed gaar ahaan ciidanka saldhigga Dharkeenley waxaa gacanta lagu soo dhigey gacanku dhiigle lagu daba joogay.
Taariikhda markay aheyd 09-05-2024 abaaro 10:00am waxaa dhaawac toorey loo geystey muwaadin Soomeeliyeed oo lagu magacaabo dhibane marxuum Ismaaciil Yuusuf Axmad ina Muumino Maxamed Cumar 40 jir ah saacado ka dibna dhibanaha wuxuu u geeriyoodey dhaawicii kasoo gaarey tooreydii uu la dhacay gacan ku dhiiglaha.
Maantey oo taariikhda tahay 10-05-2024 abaaro 09:50 pm waxaan gacanta lagu soo dhigay eedeysane gacan ku dhiigle Cali Maxamed Xasan ina suldano cali aadan 16 jir ah kaas oo howl-galka lagu baadigoobaayey ay ku jireen ciidanka boliiska soomaaliyeed muddo 24 saacadood ah .
Waxaa howlgalkaas gacan ka geystey bulshada Soomaaliyeed ee degan degmada Dharkeenley oo gacan siiyey ciidanka boliiska Soomaliyeed.