U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Booqday Safaaradda Soomalaiya ee Dalka Kenya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho ku tagey Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Kenya, iyada oo ay halkaas ku soo dhaweeyeen Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo xubno ka tirsan diblomaasiyiinta ka howlgala Safaaradda.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey shaqada ay safaaraddu u hayso shacabka Soomaaliyeed, ayaa kula dardaarmay diblomaasiyiinta in ay si siman ugu adeegaan bulshada, si dhowna uga warqabaan dadkeenna Soomaaliyeed ee ay mataaladda u yihiin.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa maalmahan ku sugan magaalada Nairobi, wuxuuna halkaa ku joogaa booqasho rasmi ah asagoo kulamo muhiim ah ka wada.