U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug oo Dhuusamareeb Ku Qaabilay Wafdi Ka Socda Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa Dhuusamareeb ku qaabiley wakiilka xoghayaha Qarammada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya marwo Catriona Lainga oo soo gaba-gabeyneysa shaqadii diblumaasiyadeed ee ay ku joogtay Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wafiga la socday marwo Catriona Lainga ayaa kormeer ku tagay dhismaha xarunta Qarramada Midoobe ee Galmudug oo meel wanaagsan uu maraaya dhismaheedu, iyadgoo sidoo kale ay ka wada hadleen amniga iyo la dagaallanka argagaxisada, arrimaha doorashooyinka iyo qaaybentooda iyo guud ahaan siyaasadda dalka.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli la filayo in Catriona Laing ay shaqada ka tagto bishaan gudeheeda, sidoo kalena ay dowladda Soomaaliya qorshaynayso in la xiro xaafiiska kaalmaynta Qaramada Midoobay ee UNSOM.