U bood dhigaalka

Taliyihii Hore ee Booliiska Soomaaliya oo Xil Looga Magacaabay Golaha Wasiirrada SSC Khaatumo

isku-shaandhayn iyo magacaabis uu xukuumaddiisa ku sameeyay hoggaamiyaha maamulka Khaatumo ayaa waxaa ka soo dhex muuqday Taliyihii hore ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janaraal Cabdi Xasan maxamed ( Xijaar(.

Jenaraal Xijaar ayaa loo magacaabay wasiirka caddaaladda Maamulka SSC Khaatumo, asagoo noqanaya masuulkii labaad ee xilkaa loo magacaabay tan iyo markii la aas-aasay maamulka kumeel gaarka ah ee uu hoggaamiya Cabdulqaadir Aw Cali Firdhiye.

Janaraal Cabdi Xasan maxamed xijaar oo muddo 40 sano ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed, ayaa taliyaha booliska Soomaaliyeed intii u dhexaysay 2019-2023, waxaana lagu xasuustaa dhacdooyin badan oo taariikhda galay.