U bood dhigaalka

Internetka oo Dalalka Afrika Saacado Ka Maqnaa iyo Mar kale oo Laga Cabsi Qabo in uu Hawada Ka Baxo

Galitaanka Internetka ee wadamo badan oo Bariga Afrika ah ayaa hakad galay maalintii Axadda sababo la xiriira fiilooyinka badda hoostooda oo burburay, sida laga soo xigtay mareegaha la socda xogta Internerka.

Tansaaniya iyo jasiiradda Mayotte ee Badweynta Hindiya ee Faransiiska ayaa ah meelaha ugu dhibka badan, sida ay sheegeen kooxda ilaalada internetka.

“Dhacdada waxaa loo aaneynayaa cilad saameysay nidaamyada fiilooyinka badda hoostooda ee SEACOM iyo EASSy , Ciladan ayaa ka dhalatay xadhkaha u dhexeeya Mozambique iyo South Africa.” Sida uu yiri , wasiirka warfaafinta iyo tignoolajiyada Tanzania Nape Nnauye.

Nape Nnauye Waxaa kaloo uu sheegay in wali ay jirto mar kale ay imaan karto cilad aan la fileyn, waxaa uu hoos u dhigay kalsoonida lagu qabo internerka.

Mozambique iyo Malawi waxay arkayeen saameyn dhexdhexaad ah halka Burundi, Somalia, Rwanda, Uganda, Comoros iyo Madagascar ay dareemeen xaalad aad u yar.

Dalka Galbeedka Afrika ee Sierra Leone ayaa sidoo kale ay saamaysay.

Arintaan ayaa walaac badan ku abuurtay ganacsatada waa weyn ee Shirkaddaha aan ka maarmeyn Internerka. Waxaa ay sheegeen in shalay ay khasaareen qaarkood Malaayiin dollar.