U bood dhigaalka

Booliska Soomaaliya oo Qabtay Tuugo Xilli Aroor ah Dadka Dhacayay

Howl-gal ay sameeyeen ciidanka booliska Soomaliyeed ayaa saaka aroortii waxay gacanta ku soo dhigeen tuugo dhac ka wadey degmada waaberi ee gobolka Benaadir.

Qeybo ka mid ah Shacabka kunool degmada Waabari ayaa kusoo wargaliyay ciidanka booliska in ay arkeen kooxo dhacaya dadka shacabka ee kunool xaafaddaha degmada.

Tuugada dhacda u geysanaysay shacabka ayaa watay Mooto Bajaaj iyo Tooreeyo ay ku handadaayeen cida ka hor timaada ee taleefanada u diida.

Mootada waxaa saarnaa laba nin, waxaana hadda lagu haya Saldhiga degmada Waabari iyadoo lagu bilaabay baaritaano ku saabsan falalka ay gacanta kula jireen.

Ciidanka booliska ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhiyay howlgallada ka dhanka ah kooxa burcada ah ee dhibaatada ku haya shacabka caasimadda.