U bood dhigaalka

Ciidamada Ilaalada Xabsi Ku Yaalla Guriceel oo Toogtay Nin Isku Dayay Inuu Ka Baxsado

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada guriceel ee gobolka galguduud nin Kamid ahaa maxaabiista lagu hayey Saldhiga Booliiska magaaladaas oo isku dayey in uu ka baxsado xabsiga ayuu rasaas ku furay mid kamida ilaaladu.

Ninkan oo lagu magacaabi jiray Xiddig Cali Khaliif ayaa u geeriyoodey rasaastii uu askari waardiyaha ihi ku riday sida ay xogaha magaaladaas ka imaanayaahi tibaaxayaan.

dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xili jimcihii lasoo dhaafey la sheegay in xabsiga Guriceel ay ka baxsadeen dhowr maxbuus oo ku xukunnaa min dhowr sano oo xarig ah.