U bood dhigaalka

Hoggaamiyaha Maamulka SSC Khaatumo oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo ayaa soo gaaray Caasimadda Dalka ee Muqdisho, waxaana si weyn u soo soo dhaweeyay Masuuliyiin sare oo ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Imaanshaha hoggaamiye Cabdiqaadir Aw-Cali Firdhiye ayaa ku soo aadday xilli ay socato qaban-qaabada shirka Madasha wadatashiga Qaranku, waxaana si lamida madaxda dowlad gobolleedyada u soo dhaweeyay masuuliyiin uu ugu horreeyo wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Illaa hadda lama xaqiijin ujeeddada socdaalka hoggaanka Khaatumo, balse xogo aan la hubin ayaa sheegaya in laga yaabo inuu ka qeyb-galo shirka Madasha wadatashiga Qaranka, taasoo maamulkiisa curdunkaa guul u ah, balse Puntland ku noqanaysa waji gabax.