U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo Kormeeyay Akadeemiyada Ciidanka General Kaahiye

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmad Firin ayaa Kormeeray Akadeemiyada Ciidanka Booliska ee Gen. kaahiye, oo ay ku xareysanyihiin cutubyo ka tirsan ciidanku.

Kormeerka Taliyaha Ciidanka Booliiska S/guuto Sulub Axmad Firin ayaa ku aaddanaa Ka qeyb galka Munaasabadda 15 May, 2024 ee Ku Beegan maalinta berri.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa Warbixin Ka dhageystey Taliyaha Akadeemiyada Boliiska Gen. Kaahiye S/guuto Mukhtaar Gaabow.

Taliyaha ayaa kula dardaarmeyn in loo adkeysto Shaqada adag ee na hortaala iyo Sidii Ummadda Soomaliyeed looga qaban lahaa Kooxahaan Alshabaab.