U bood dhigaalka

Faahfaahinno Kasoo Baxaya Ra’isul Wasaaraha Dalka Slovakia oo la Toogtay

Sheeko:War

Waxaa laga soo dayrinaya xaaladda caafimaad ee Ra’iisulwasaaraha dalka Slovakia Robert Fico oo lagu toogtay shalay gelinkii dambe dalkaasi. Ra,iisul Wasaare ku xigeenkiisa ayaa sheegay dhowr xabbadood looga dhuftay qeybo ka mid ah jirkiisa sida xabadka, Caloosha,gacmaha iyo lugaha.


Ra,iisul wasaaraha ayaa salaamayay qaar ka mid ah taageerayaashiisa marki uu dhacayay weerarka lagu khaarijin rabay. Weerarka lagu dhaawacay ra’iisulwasaaraha ayaa ruxay waddankaasi yar ee ku yaalla bartamaha Yurub, xilli ay todobaadyo ka hareen doorashooyin lagu wado in ay ka dhacaan guud ahaan Yurub.

Tomas Taraba Ra’iisulwasaare xigeenka Slovakia ayaa sheegay in uu u maleynayo in ugu danbeyntii uu Fisco badbaadi doono, isaga oo intaasi ku daray inuusan ku jirin xaalad khatar ah xilligan.


Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in dhaqaatiirta ay la tacaalayaan xaaladdiisa caafimaad iyo sidii ay u badbaadin lahaayeen Fisco oo ka mid ah hogaamiyaasha Yurub ee taageerssan Ruushka.

Toogashada lagu dhaawacay ra’iisulwasaaraha ayaa ka dhacday degmada Handlova ee bartamaha Slovakia. Warbaahinta ayaa sheegtay in weerarka uu fuliyay nin 71 jir ah, kaas oo ay xireen ciidamada ammaanka. Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay in falka lagu beegsaday ra’iisulwasaaraha uu yahay mid salka ku haya arrimo siyaasadeed.

Dalalka Midowga Yurub, Mareykanka iyo Ruushka ayaa muujiyay sida ay uga qarracmeen weerarka lagu dhaawacay ra’iisulwasaaraha Slovakia isla markaana si isku mid ah u wada cambaareeyay.