U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Kulan Bahrain Kula Qaatay Madaxweynaha Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo dalka Baxrayn kaga qeyb galaya Meertada 33-aad ee Golaha Jaamacadda Carabta, ayaa kulan doceed la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS iyo Madaxweynaha Jabuuti, ayaa diiradda lagu saaray, Xariirka iyo iskaashiga labada dal, arrimaha amniga gobolka, iyo sidii la isaga kaashan lahaa danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Jabuuti.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa khodbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay shirka, asagoo arrimo badan Soomaaliya iyo guud ahaan dalalka carabta ku saabsan ka hadlay.