Taliyaha Ciidanka Booliiska oo Kormeeray Xarunta Agoonta Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed
Sheeko:Warar & Warbixino
![](https://goobjoog.s3.eu-central-1.amazonaws.com/content/uploads/2024/05/16184153/WhatsApp-Image-2024-05-16-at-17.25.24.jpeg)
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmad Firin ayaa booqasho dhiirigelin ah ugu tegay ardeyda dugsiga barbaarinta carruurta Booliska Soomaliyeed oo u diyaar garoobaysa imtixaanka sanad dugsiyeedka 2024.
Taliyaha ayaa ardeyda ku dhiirigeliyey inay imtixaankaan soo socda ku dadaalaan inay ka keenaan natiijo weyn, sidoo kale Taliyaha ayaa balan-qaaday in ardaygii gala 1-aad lasii doono abaal marin uu ku farxo.
Carruurta dugsigan dhigatay ayaa agoon ay Aabeyaashood difaaca dalka naftooda u huran, waxaana barbaarintooda iyo waxbarashadooda gacanta ku hayo Booliska Soomaaliyeed.