U bood dhigaalka

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo Shir Caalami ah Uga Qeybgalaya Taliyaaniga

Hoggaamiyaha Maamulka ku meel gaarka ah ee SSC-Khaatumo oo ku sugan dalka Talyaaniga ayaa ka qeyb-galay shir caalami oo ku saabsan nabadda, caddaaladda iyo xuquuqda aadanaha.

Shirka waxaa ka qaybgalay hey’adaha adduunka ee Cadaaladda, Xuquuqda Aadanaha iyo Nabadda, Ururrada iyo Khubarada Xuquuqda Aadanaha iyo Nabadda ee Midowga Europe iyo dalalka ay dagaaladu ku danbeeyaan.

Shirka oo diirada lagu saaray sida ay isugu xariirin lahaa nabadda, Xasilloonida iyo Cadaallada ayaa Wafdiga Hoggaamiye firdhiye waxaay ku soo bandhigeen Istiraarijiyadah looga hortagi karo xasuuqyada iyo danbiyada ka dhanka ah bulshada rayid ka ah, kasoo kabashada colaadaha, iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Hoggaamiyaha iyo Wafdigiisa ayaa sidoo kale kulamo la leh Madaxda Hey’adaha Garsoorka iyo Xuquuqda aadanaha Dalka Talyaaniga, iyadoo Hoggaamiyuhu uu si gaar ah u arkay Madaxweynihii hore ee ICC Marwo Silvia Fernandez de Gurmendi.

SSC-Khaatumo oo ah maamul curdun ah ayaa ka soo kabanaya colaadihii sanadkii hore ka dhacay gobolka sool, wuxuuna haatan ku foogan yahay dib u dhiska hay’adihiisa maxalliga ah.