U bood dhigaalka

Madaxweynaha Puntland oo Furay Shirka Jiheynta Xukuumadda oo Ka Dhacay Garowe

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenkiisa Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa furay Shirka Jiheynta Xukuumadda oo muddo saddex Cisho ah socon doona.

Shirka jiheynta Xukuumadda ayaa lagu soo bandhigi doonaa qorsheyaasha shaqo ee Xukuumadda Puntland horyaalla oo lagu jaangooyey Siyaasiyadda Madaxweynaha maamulkaas, sida ay u wada shaqeynayaan hay’adaha Dowlad Gobaleedka iyo horumarinta ee Beesha Caalamku.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb-galay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeen Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Maxamed Maxamuud Ciise, Golaha Joogtada ah Baarlamaanka, Golaha Garsoorka, Golaha Xukuumadda , Agaasimeyaasha Wasaaradaha, Hay’adaha Madaxa banaan iyo Khuburo Madaxa banaan iyo marti sharaf kale.

Inkastoo uu jiro khilaaf u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo maamulkaasi Puntland, kaasoo ragaadiyay waxqabadkii iyo adeegyadii ay shacabku u baahnaayeen, haddana gudaha Puntland waxaa ka socda hormar dhinacyo badan oo ay bulshadu kaalinta ugu weyn ku leeyihiin