U bood dhigaalka

Ciidanka Booliiska oo Soo Bandhigay Koox Dhallinyaro ah oo Ku Eedeysan Falal Anshaxaha Ka Baxsan iyo Kalageyn Bulsho

Sheeko:War

Ciidanka Booliska ayaa Howl-gal qaatay in ka badan 24 saacadood oo ay sameeyeen ku soo qabqabtay dhalinyaro tiradoodu gaareyso 21 ruux, kuwaas oo bulshada dhaxdeeda ku faafinayay waxyaabo Anshax xumo iyo kala qeybin bulsho.

Boliiska ayaa baaritaan ku billaabay eedeysanayaashan si looga gun gaaro cidda soo abaabushay falalka dhaqan xumada ah ee ay ku kaceen dhalinyaradaan, waxaana la horgey doonaa Maxkamada Awoodda u leh qaadidda kiiskooda, sida lagu sheegay war ka soo baxay laamaha nabad-galyada.

Sidoo kale booliska ayaa digniin u diray shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimada iyo hareeraheeda, ayagoo fatay in ay ka fogaadaan falalka Ansha-xumada ah, hadalada kicinaya bulshada iyo Aflagaalada Muwaadiniinta.