U bood dhigaalka

Weerar Lagu Tilmaamay Afgambi oo Dhacay Dalka Dimuquraadiga ee Gongo iyo Shacab Lagu Dilay

Saddex qof ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay caasimadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DR Congo) ka dib markii ay israsaasayn dhexmartay rag hubaysan oo ku labisan dareeska millatariga iyo ilaalada nin siyaasi ah, waxayna dhacdan ciidamadu ku tilmaameen isku day afgambi.

Laba askari oo booliis ah iyo mid ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday ayaa ka mid ahaa dadka ku dhintay israsaaseynta oo bilaabatay subaxnimadii Axadda, sida ay sheegeen laamaha nabad-galyada dalkaasi.

Afhayeen u hadlay militariga DR Congo ayaa khudbad uu ka jeediyay taleefishinka ku sheegay in la xiray dadkii ka dambeeyay weerarka oo uu ku tilmaamay mid fashilmay, waxaana dadka la xiray ku jira dhowr ajaaniib ah.

Sarreeye Guuto Sylvain Ekenge ayaa u sheegay war-fidiyeenka in falka dhacay uu ahaa isku day afgambi, balse ay ka hortageen oo ay fashiliyeen, aadna u xakameeyeen.

Dhacdadan ayaa timid iyadoo xiisadi ay hareysay madaxweynaha Felix Tshisekedi’s iyo xisbiga uu hoggaamiyo, taasoo ku saabsan doorashada hoggaanka baarlamaanka oo lagu waday in la qabto Sabtida laakiin dib loo dhigay.

Dableyda hubeysan ayaa weerar ku qaaday hoyga uu magaalada Kinshasa ka degan yahay Vital Kamerhe oo ah xildhibaan federaal ah, isla markaana ah musharax u taagan xilka afhayeenka baarlamaanka dalka DR Congo.
Ma cadda in ragga weerar geystay oo ku labisnaa dareeska ciidamadu ay doonayeen inay qabtaan siyaasiga iyo in kale, sidoo kale lama hubo inay militariga DR si rasmi ah uga tirsanyihiin.