U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Soo Xiray Shirka Kobcinta Karaanka Aadanaha

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo soo xiray shirka kobcinta Karaanka Aadanaha, ayaa bogaadiyey sida qotada dheer ee ay aqoonyahanka Soomaaliyeed uga doodeen Hiigsiga iyo himilada fog ee lagu kobcinayo awoodda bulshada Soomaaliyeed.

Mudane Saalax ayaa sheegay in dhallinteennu ay u baahan tahay in ay xoogga saarto barashada xirfadaha, si ay ula tartamaan asaaggood, isagoo tusaale uga dhigay guulaha ay xaqiijiyeen dalalka horumaray ee ee awoodda saaray horumarinka karaanka aadanaha.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa xusay in Xukuumadda #DanQaran, iyada oo ogsoon baahidaas ay aas-aastay Xafiiska Horumarinta Karaanka Aadanaha oo hoos yimaadda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, qeybna ay ka yihiin dhammaan Hey’addaha Dowladda.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay, Wasaaradaha Adeegga Bulshada ee heer federaal iyo heer maamul goboleed, Xildhibaanno ka tirsan labada aqal, Safiirro iyo Madax ka socotay hey’adaha caalamiga ah.