U bood dhigaalka

Ra’iislwasaare Xamse iyo Madaxda Dowladda Goboleedyada oo Shacabka Waqti Kula Qaatay Liido

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa habeenimadii waqti kula qaatay shacab Soomaaliyeed oo ku damaashaadayey xeebta liido, xilli halkaas ay isugu yimaadeen shacab badan.

Arrintaan ayaa ka tarjumaysa nabadda iyo xasilloonida ka hirgashay caasimadda dalka ee Muqdisho, isaga oo kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan doorka kaga aaddan nabadda iyo isdhexgalka bulshada ku nool Muqdisho oo nabad dareemaya xilligaan.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa booqashada waxa ku wehliyay madaxweynayaasha dowlad Goboleedyadda Galmudug,Jubaland ,Hirshabeelle, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale.