U bood dhigaalka

Waa Kuwee Dalalka Ku Dhawaaqay Baroordiiqda ee Iran lagula qeybsanayo Murugada

Sheeko:War

Dalalka Lubnaan iyo Suuriya oo kamid ah xulafada ugu dhow Tehran ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor diiq ah ka dib geeridii Madaxweyne Raisi iyo wasiirkii arrimaha dibadda ee Iran Amir Abdollahian oo ku dhintay shil diyaaradeed.


Ciraaq oo ah dal daris ah oo xiriir dhow la leh Iran ayaa sidoo kale ku dhawaaqday maalin baroor diiq qaran ah. Munaasabado lagu xusayo gobollada ay Shiicadu ku badan tahay ee Ciraaq iyo xirnaanshaha waddooyinka ayaa maanta la filayaa in ay ka dhacaan dalkaas.

Pakistan, India iyo Turkey ayaa sidoo kale xusaya hal maalin oo baroor diiq qaran ah oo ay ku muujinayaan ixtiraamka madaxweynaha Iran ee geeriyooday.


Iyadoo ay maanta ay ka socoto qaban qaabada aaska ee magaalada Tabriz ayaa waxaa isugu soo baxay dad baroor diiq ah iyo dad reer Iran ah aas aaska madaxweynihii geeriyooday ee Ebrahim Raisi.

Muuqaal laga soo duubay socodkii saaka ayaa muujinaya kumannaan qof oo isugu soo baxay waddooyinka magaalada waqooyi-galbeed, iyadoo la arkayay dad badan oo lulaya calanka Iiraan iyo sawirrada madaxweynihii geeriyooday.