U bood dhigaalka

Wafdi Saraakiil Ka Tirsan Ciidanka Kenya oo Gaaray Dalka Haiti uu Ka Bilaabanyo Howlgal

Sheeko:War

Wafdi saraakiil ah oo ka socda Kenya ayaa gaaray dalka Haiti, halkaasoo la filayo in dhowaan la geeyo cutubyo ka tirsan ciidanka Booliska dalkaasi sida laga soo xigtay masuuliyiin Kenyan ah.

Waftigana ayaa qeymayn ku samayn doona qalabka iyo adeegyada kale ee loo diyaariyay ciidamada shisheeye ee Haiti laga howl-gelin doono, waxayna qeymayntaasi go’aamin doontaa xilliga ciidamada la soo daabulayo.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sannadkii hore oggolaaday hawlgal caalami ah oo lagu taageerayo Booliska Qaranka Haiti si uu ula dagaallamo burcadda dilaaga ah ee qabsaday inta badan caasimadda Port-au-Prince.

Haiti ayaa wajahaysa nabad-galyo xumo iyo qalalaaso baahsan, ayadoo kooxa burcadda ihi ay ku sii xoogaysanayaan, sido kalena ka ganacsiga maandooriyuhu uu ku sii badanayo.

Ra’iisul wasaaraha dalkaas Ariel Henry ayaa is casilay bishii March, ka dib markii uu ku guuldareystay inuu maareeyo xasradaha sii kordhaya ee uu wajahayo waddankan saboolka ah ee ku yaalla waqooyiga ameerika.