U bood dhigaalka

Wasiirka Shaqada oo KaQatar Kaga Qeybgalay Shir Looga Hadlayay Socdaalka Muhaajiriinta Afrika iyo Carabta

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar kaga qeybgalay shir looga hadlaayay Arrimaha dhaq-dhaqaaqa shaqaalaha muhaajiriinta ah ee u dhexeeya wadamada Afrika iyo Carabta.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada gobol iyo xoojinta wdashaqeynta ka dhexeysa, sida xoojinta xuquuqda shaqaalaha iyo qoritaanka shaqaalaha ee dalalka Afrika.

Wasiirka ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay kulankaan, isagoo bogaadiyay dowlada Qatar maadama ay martigelisey shirkan, sido kale wasiirka ayaa muujiyay in dowlada Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta xaquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed Ee ka shaqeeya dalalka carabta.

Ugu dameyn, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshey wasiiradda dhiggisa ah oo ka socday dalalka Carabta iyo wadamada Afrika inta uu socdey shirkaan.