U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsanaa Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo Lagu Dilay Muqdisho

Sheeko:War

Waxaa caawo Magaalada Muqdisho, Gaar ahaan Xaafada Seybiyaano ee Degmada Hodan lagu dilay xildhibaan lagu magacaabi jiray Ibraahim Cabdi Cabdiraxmaan oo ahaa mudane ka tirsan baarlamaanka dowlad gobolleedka koofur galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ka Tacsiyadeeyey Geerida Xildhibaanka, asagoo ku eedayay kooxda Alshabaab, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada koofur galbeed.

War ay soo saartay dowlad gobolleedka KGS ayaa lagu “Inalilaahi wainna ileeyhi raajicuun.

Alle ha u naxariistee Xildhibaan Ibraahim Cabdi Cabdiraxmaan waxa uu door weyn kasoo qaatay nabadda, dib u dhiska Dowladnimada iyo Dib u heshiisinta Bulshada,
Waxaan Alle u weydiinayaa in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday”.

Si kastaba ha ahaatee sida uu dilku u dhacay ayaan illaa hadda faahfaahin laga bixin, balse koofur galbeed waxay ku eedaysay kooxda Alshabaab.