U bood dhigaalka

Xujeyda Soomaalida oo Ku Wajahan Maka, Iyagoo Bilaabayo Gudashada Waajibaadka

Iyadoo wali ay socoto daabulidda Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa Waxaa magaalada Barakeysan ee Madiina ka ambabaxay Gaadiid ay saaran yihiin Xujey maalmahaan ku sugnaa magaaladaasi kuwaas oo tagaya Magaalada Makkah oo uu ka Mid yahay Madjidka Nabiga CSW.

Xujeyda ayaa seddexdii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Madina, kadib markii ay ka yimaadeen Dalkeena Soomaaliya waxaana ay booqdeen goobaha barakeysan ee Magaalada.

Howl wadeenada Xafiiska Arrimaha Xajka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa si wanaagsan ugu adeegay xujeyda gaartay Boqortooyada Sacuudiga walina waxaa socda duulimaadyada daabulaya xujeyda ee ka baxaya dalka.