U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida oo Weeraray Markab Ganacsi

Markab laga leeyahay dalka Liberia oo lagu magacaabo M/V Basilisk, ayaa looga shakisan yahay in lagu weeraray meel qiyaastii 380 nautical miles bari ka xigta magaalada Muqdisho, arrintaa ayaa keentay kordhinta ciidanka.

Falkaan waxaa geystay kooxo burcad badeed ah sida ay xaqiijiyeen hay,addaha la socda arrimaha badda.

Ciidanka Midowga Yurub ee la dagaalanka Burcadbadeeda ayaa xaqiijiyay in ay ku dadaalayaan sidii loo soo badbaadin lahaa Markabka oo bixiyay digniinta in uu gacanta u galay koox burcad ah.

Markabka ayaa ku wajahnaa dhanka waqooyi markii ay dhacday dhacdada burcad badeednimo.

“Mid ka mid ah maraakiibta dagaalka ee ATALANTA oo ku sugan agagaarka goobta uu dagaalku ka dhacay ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee ka jawaabay digniinta. “EUNAVFOR ATALANTA waxay qaadaysaa tillaabooyinka ku habboon si ay si hufan oo degdeg ah uga jawaabto digniintan,” ayaa War kasoo baxay ATALANTA.

Xaqiijinta EUNAVFOR ayaa timid ka dib markii xafiiska hawlgallada ganacsiga badaha ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMTO) uu helay warbixin ku saabsan markab ganacsi in kooxo hubeysan ay galeen.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay dib u soo cusboonaatay burcad badeeda Soomaalida tan iyo bishii November.

Labo markab oo ganacsi oo kala ah MV Ruen iyo MV Abdulla ayaa la afduubay tan iyo bishii December, iyadoo midkii hore ay soo badbaadiyeen ciidamada badda Hindiya ka dib muddo saddex bilood ah oo ay afduub ku haysteen, kan dambena la sii daayay ka dib markii la sheegay in laga qaatay madaxfurasho.