U bood dhigaalka

Booliska Hirshabeelle oo Loo Tababaray Baaritaanka Faraha iyo Dambiyada Adag

Sheeko:War

Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa loo soo gaba gabeeyay tababar socday muddo shan cisho ah oo ku saabsanaa baaritaanka faraha iyo cadeymaha uruurinta.

Tababarkan oo ay soo qaban qaabiyeen ciidamada booliska Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa lagu qabtay xarunta garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar, waxaana ujeedadiisu ahayd in saraakiisha la siiyo xirfado iyo aqoon ay ku baari karaan, isla markaana ay gacanta ku hayaan kiisaska dambiyada culus.

Kooxda dambi baadhayaasha ayaa loo tababaray mawduucyo kala duwan oo ay ka mid yihiin ururinta faraha ee goobaha dembiyada, falanqaynta iyo is waafajinta faraha iyo kaydka xogta oo muhiim u ah aqoonsiga iyo soo qabashada dembiilayaasha.

“Tababarkan waa mid muhiim u ah saraakiisheena sababtoo ah waxa ay ka caawineysaa in ay si fudud u baaraan dambiyada ay galeen ama ay ku guda jiraan soo qabashada tuhmanayaasha. Sidaa darteed waxaan ku boorinayaa ka qaybgalayaasha inay aad u fiirsadaan, oo ay diiradda saaraan ugu dambayna ay adeegsadaan xirfadihii ay barteen si ay waajibaadkooda u gutaan,” ayuu yiri Gaashaanle Axmed Cabdulle Madoobe, taliye ku-xigeenka saldhigga booliiska garoonka Jowhar.

Lt. Madoobe ayaa uga mahadceliyey ATMIS qabanqaabada tababarka, isagoo xusay in ay u sahli doonto Ciidanka Booliska Soomaaliyeed inay si hufan oo xirfad leh u baaraan dambiyada.

Taliyaha Booliska ATMIS ee Jowhar, ASP Earnest Agbo, ayaa hoosta ka xarriiqay doorka tababarka ee kor u qaadista xirfadaha baarista ee saraakiisha si ay u maareeyaan kiisaska dembiyada adag ee loo adeegsado hababka cilmiga casriga ah.


C/llaahi Maxamed Cusmaan oo ka mid ahaa ka qeyb galayaasha tababarka ayaa uga mahadceliyay ATMIS qaban qaabada tababarka, wuxuuna ku baaqay in la kordhiyo dadaallada lagu kobcinayo tayada ciidanka Booliska Soomaaliyeed si ay u sameeyaan baaritaanno xirfadeed.