U bood dhigaalka

Xubno Ka Tirsan Baarlamaanka Kenya oo Soo Gaaray Muqdisho iyo Soo Dhoweyn Loo Sameeyay

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ay wehliyaan Wasiirro, Xildhibaanno iyo masuuliyiin ka tirsan hey’adaha Dowladda, ayaa Muqdisho ku soo dhoweeyey Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya oo maanta soo gaaray Muqdsho.

Xildhibaannada maanta Muqdisho yimid oo kamid ah siyaasiyiinta Baarlamaanka Kenya ku matala Soomaalida ku nool dalkaas ayaa kala ah, Xildhibaan Aadan Daa’uud Maxamed, Xildhibaan Ugdoon Siyaad kunno iyo Xildhibaan deeqow Maxamed Barrow , waxaana inta ay joogaan dalka kulamo kala duwan ay la yeelan doonaan madaxda dalka iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed.