U bood dhigaalka

Kala Bardh Xujeyda Soomaalida Sandkaan Loo Qoondeeyay oo Gaartay Sucuudi Carabiya

Ku dhowaad Kala Bar Xujeyda loo Qoondeeyay Dalka Soomaaliya ayaa soo gaarey Gudaha dalka Sucuudiga, si ay u gutaan howlaha lama dhaafaanka ah ee xajka.

Garoomada Diyaaradaha ee Magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa, Garoowe iyo Booaaaso ayay ka ambabaxeen Kumunaan Xujey ah, kuwaasi oo si heer sare ah looga sagootiyay Dalka.

Xujeyda marka ay soo gaaraan Gudaha Dalka Sacuudiga, sida Garoomada Madiina iyo Jeddah ayaa si weyn loogu soo dhoweeyaa, iyadoo kadibna Loo gudbiyo Hoteelada ay ka degi lahaayeen magaalada Madiina oo ay ku soo qaataan Sedex Maalmood oo Cibaado iyo Xiyaaro ah.

Xueyda ayaa loo soo gudbiyaa Magaalada Makkah, iyadoo Hoteelo u dhow Xaramka la dejiyo.

Dhinaca kale, Waxaa socda Diyaar garowga Maalmaha Qiimaha iyo Barakada Badan ee Xajka oo Food inagu soo haya, kaasi oo uu wado Xafiiska Arrimaha Xajka Wasaarada Awqaafta iyo arrimaha diinta Dowlada federaalka Soomaaliya.

Warbaahinta Xafiiska Arrimaha Xajka ee
Wasaarada Awqaafta iyo arrimaha diinta
Dowlada federaalka Soomaaliyeed.
Magaalada Makkah,
Boqortooyada Sacuudi Carabiya