U bood dhigaalka

Kenya oo Noqotay Dalka Labaad ee Gacan ka Geysan Doonnaa Maxkamadeynta iyo Soo Qabashada Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida

Mareykanka iyo Midowga Yurub (EU) ayaa xoojiyay dagaalka ka dhanka ah kooxaha mintidka ah ee ku soo badanaya badaha, iyadoo Kenya loo doortay in ay noqoto dalka labaad, kadib Seychelles, si ay u aqbasho una maxkamadeyso dadka looga shakisan yahay dambiyada badda.

Wadamada leh dhaqaalaha ugu sareeya ayaa walaac ka muujiyay carqaladeynta ganacsiga badda cas ee Xuutiyiinta Yemen iyo dib u soo noqoshada budhcad badeedda Soomaaliya iyagoo sheegay in kooxaha sharci darrada ah ay tahay in la ciribtiro.

Ciidamada Badda Midowga Yurub (EU Navfor) ayaa xaqiijiyay in Kenya ay ka caawin doonto Seychelles sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd dadka looga shakisan yahay dambiyada badda sababo la xiriira kiisaska badda ee sii kordhaya ee laga soo sheegayo.

Safiirka Midowga Yurub ee dalka Kenya Henriette Geiger ayaa sheegtay in amniga badda uu yahay mid walaac leh maadaama ay keentay in ganacsiga uu hakad galo, Midowga Yurubna uu la shaqeyn doono dowlado kala duwan si loo xakameeyo amni darada ka jirta biyaha.

Ms Geiger oo ka hadlaysay Mombasa intii uu socday xiritaanka tababarada badda ee u dhexeeyay Kenya iyo ciidamada Midowga Yurub, ayaa sheegtay in ciidamada Midowga Yurub ee Navfor ay kordhin doonaan joogitaankooda goobaha kala duwan ee laga soo sheego burcad-badeednimada, maandooriyaha iyo ka ganacsiga dadka iyo dambiyada kale.

“Eu Navfor Somalia waxa ay ku guulaysteen in ay xakameeyaan burcad badeeda sanadihii hore balse howlgalka Atalanta ee hada ciidamadu waxa ay kala shaqayn doonaan dawlado kala duwan sidii wax looga qaban lahaa budhcad badeeda soo ifbaxday iyo kooxda sharci darrada ah ee Suweys Canal” ayuu yiri Safiirka.

Ms Geiger oo ay wehlinayeen safiirka Spain Christina Diaz iyo dhiggeeda Talyaaniga Roberto Natali, ayaa sheegtay in inkasta oo khatarta burcad-badeedda Soomaalida xilligan lagu tilmaamay inay yihiin kuwa qunyar-socod ah oo ka baxsan xeebaha Soomaaliya, haddana weerarrada fallaagada Xuutiyiinta Yemen ayaa weli ah welwelka ugu weyn, taasoo keentay in dib loo rogo maraakiibta. waddo dheer oo loo maro Cape.

“Seychelles waxa ay door muhiim ah ka ciyaartay wax ka qabashada tuhmanayaasha lagu qabtay biyaha, hadda Kenya waxa ay noqon doontaa dal kale oo Midowga Yurub uu heshiis sharci ah la galay si loogu ogolaado in maxkamad la soo taago tuhmanayaasha burcad-badeedda ah ee ay qabtaan maraakiibta dagaalka,” ayuu yiri danjiraha.