U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Sweden oo Ka Wada Hadlay Iskaashiga Labada Dhinac

R’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Caddaaladda ee dalka Sweden Anders Hall.

labada dhinac waxa ay ka wada hadleen xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ay ka taageeraan Soomaaliya iyo arrimo kale oo ku qotoma danaha labo geesood ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Dowladda Sweden taageerada ay siiso Soomaaliya, isaga oo ku boorriyey in ay gacan ka geysato dadaallada xukuumadda #DanQaran ee la xiriira horumarinta iyo dimuqraadiyeynta dalka.

Dhankiisa, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda Sweden, Anders Hall, ayaa ku ammaanay Dowladda Soomaaliya horumarka ay ka sameysay dhinacyada amniga iyo caddaalada, gaar ahaan dadaalladeeda la xiriira ciribtirka Shabaab, si loo xaqiijiyo Soomaaaliya xasilloon oo ka caaggan argagixiso