U bood dhigaalka

Wasaaradda Owqaafta oo Ka Shireysa Go’aanno Kasoo Baxay Wasaaradda Xajka Sucuudiga

Shir looga hadlayay go’aamo Cusub oo ay soo saartay Wasaarada Xajka ee Dowlada Sacuudiga ayaa lagu qabtey xarunta Xafiiska Arrimaha Xajka Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha diinta dowlada Federaalka Soomaaliyeed ee magaalada Makkah.

Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen Mas’uuliyiinta Xamladaha Shirkadaha Xajka ka shaqeynaya iyo Masuuliyiinta Xafiiska Arrimaha Xajka ayaa diirada lagu saarey sidii loo dhaqan gelin lahaa go’aanada Wasaarada Xajka.

Kulankan ayaa lagu soo qaadey sidii Xujeyda Soomaaliyeed loo wada gaarsiin lahaa Kaarka Xaajiga ee Nusuk, loo Tayeyn lahaa Soo dhoweynta Xujeyda Soomaaliyeed, Sida loogu diyaar garoobi lahaa Maalmaha Xajka ee na soo aadan, loona nidaamin lahaa Biyaha Zam-Zamka ee ay qaadanayaan Xujeyda Marka ay dalka dib ugu laabanayaan.

Sidoo kale, Waxaa Shirkan lagu soo qaadey sidii loo hagaajin lahaa Hadyiga oo ah neefka Xoolaha uu gowracayo Xaajiga, Xilliga Xajka, iyadoo Wasaarada Xajka Dowlada Sacuudiga ay soo jeedisay in la hagaajiyo Habka loo bixinayo Hadyiga.

Kulankan waxa uu daba joogaa kulamo iyo dadaalo uu wado xafiiska Arrimaha Xajka wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowlada federaalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo si is daba joog ah u dhaca.

Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowlada federaalka Soomaaliyeed ayaa dar dar xoogan ku wada diyaar garoowga iyo Nidaaminta howlaha Xajka ee Sanadkan.