U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan La Qaatay Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Saciid Maxamed, oo uu kala hadlay istiraatiijiyado sare u qaadaya isku-xirnaanta, wadashaqaynta iyo dardargelinta dadaalka wadajirka ah ee lagu fududeynayo bixinta adeegyo u qalma muwaadiniinta.

Kulanka ayaa intii lagu gudo-jiray waxaa lagu qaadaa-dhigay dhowr arrimood oo muhiim ah, sida maamulka baasaboorrada dowladda si gaar ah baasaboorrada shaqaalaha (service) iyo diblomaasiga (diplomatic), iyo suuragelnimada in hab dijitaal oo casri ah si wadajir ah labada dhinac ugala socon karaan shixnadaha baasaboor kahor daabacaaddooda.

Kulanka ayaa lagu gaaray go’aan muhiim ah oo ah in si kumeel-gaar ah (KMG) loo hakiyo soo saaridda baasaboorka shaqaalaha ee loo yaqaan adeegga muddo ku siman seddex bilood. Tallaabadan ayaa ujeedkeedu yahay dejinta iyo fududeynta tub la isku raacsanyahay oo lagu hago soo saaridda baasaboorka iyo xoojinta daahfurnaanta. Waxaa sidoo kale awoodda maamul ee oggolaanshaha soo saaridda baasaboorrada shaqaalaha loo wareejiyay Xafiiska Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, halkii hore uu ka maamuli jiray Agaasimaha Waaxda Qunsuliyadaha ee Wasaaradda, taasi oo tilmaan u ah dib u habaynta nidaamka istiraatiijiyadeed ee mas’uuliyadaha maamulka.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay ka howlgalidda iyo la falgalka dalabaadka baasaboorrada ee ka soo baxa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo buuxinaya dhammaan shuruudaha , lana dedejiyo daabicidda baasaboorrada si looga fogaado dib u dhac iyo habac ku yimaada shaqada.