U bood dhigaalka

Muxuu Ahaa Ajandaha ay Ka Wadahadleen Ra’iisulwaaare Xamse iyo Wafdi Ka Socday Jarmalka?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulan la yeeshay wafdi sare ka socday dalka Jarmalka, kulanka ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah.

Wafdigan oo uu hoggaaminayey agaasimaha dowladda Jarmalka u qaabilsan dalalka saaxil iyo saraha afrika Danjire Christoph Retzlaff iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la adkeeyo xiriika soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada dhinac, isaga oo ka mahadceliyay taageerada dowladda Jarmalka ee Soomaaliya.

Agaasimaha Dowladda Jarmalka u qaabilsan dalalka Saaxil iyo Saxara ee Afrika Christoph Retzlaff ayaa asna dhankiisa Dowladda Soomaaliya ku bogaadiyay dadaalladeeda ku aaddan dowlad-dhiska iyo xaqiijinta nabad-galyada guud ee dalka, wuxuuna sheegay in dalkiisu uu sii xoojin doono taageerada dhinaca horumarinta ee uu siiyo Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee wufuudda heerka sare ah ee dalka imaanaysa ayaa kordhay sanadihii la soo dhaafay, taasoo astaan u ah hormarka laga gaaray dhinacyada nabad-galyada iyo dib u dhiska dowlnimo.