Muxuu Ku Qotomaa Safarka Wasiirka Arrimaha Dibadda Ugu Ambabaxay Shiinaha?
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa gelinkii dambe ee maanta u kicitimay Caasimadda Shiinaha ee Beijing, isagoo hoggaaminaya wafdi ka socda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb-galaya meertada tobanaad ee shirka heer Wasiir Arrimo Dibadeed ee Madasha Iskaashiga Carabta iyo Shiinaha oo lagu wado inuu halkaas ka furmo 30-ka bishan May.
Madasha ayaa laga soo saari doonaa dhowr dukuminti oo muhiim ah, oo ay ku jiraan Baaqa Bekiin, barnaamijka fulinta ee Madasha Iskaashiga Carabta iyo Shiinaha ee sanadaha 2024-2026 iyo war-murtiyeedka wadaagga ah ee arrinta Falastiin, iyadoo dhammaan howlahan lagu jaan-gooyay kulamada gogol-xaarka ee maanta qabsoomay.
Wasiir Axmed Fiqi ayaa kulan doceedyo labo dhinacle ah la yeelan doona Wasiirrada dhiggiisa ah iyo wakiillada matalaya dowladaha walaalaha iyo saaxiibada nahay ee ka qeybgali doona shirka heer wasiir si loo xoojiyo xiriirka labo geesoodka, lana sahamiyo fursadaha iskaashi ee nacfi wadaagga ah.