U bood dhigaalka

Qaramada Midoobey oo $2 Milyan u Qoondeysay Wax Ka Qabashada Daacuunka Ka Dilaacay Soomaaliya

Isku duwaha Gargaarka Degdegga ah Martin Griffiths ayaa $2 milyan oo doollarka Mareykanka ah uga qoondeeyay Sanduuqa Waxqabadka Degdegga ah ee Dhexe (CERF) si wax looga qabto daacuunka ka dillaacay Soomaaliya.


Sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka, in ka badan 10,000 xaaladood iyo 120 dhimasho ah ayaa laga soo sheegay toddobo gobol oo dalka ah tan iyo bishii Janaayo.

Saamaynta abaarihii dalka soo maray, oo ay weheliso saamaynta daadadka ee ay sababtay El Niño horraantii sanadkan, ayaa sii huriyay dillaaca shuban biyoodka iyo daacuunka Soomaaliya.
Burburka soo gaaray ilaha biyaha, , fayadhowrka iyo tas-hiilaadka nadaafadda ayaa uga sii daraya shuban biyoodka iyo daacuunka dillaacay.
Qoondayntan CERF ayaa ah mid ay ku taageerayso hay’adaha Qaramada Midoobay iyo la-hawlgalayaasheeda si ay gargaar naf-badbaadin ah u fidiyaan 60,000 oo qof, iyada oo bixinaysa wax ka qabashada caafimaadka, biyaha, fayadhowrka iyo nadaafadda.
Warbixinta cusub ayaa sheegaya in meelaha ugu badan ee hadda dhibaatada ay ka jirto ay ka mid yihiin Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Wali meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya waxaa ka jira daadad iyo barakac sababay in dadkii aysan wali kusoo laaban deeganadoodii.