U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan La Yeeshay Siihayaha Safiirka Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Axmed Macallin Fiqi Axmed ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Siihayaha Safaaradda Dowladda Liibiya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya danjire Nasr Mohamed Assanosi, waxayna ka wada hadleen siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah u dhexeeya.

Intii lagu gudo-jiray kulanka ayaa waxaa lagaga hadlay dhowr arrimood oo muhiim ah, waxaa si gaar ah diiradda lagu saaray arrinta muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Liibiya, tallaabooyinka lama huraanka ah ee lagu hagaajin karo xaaladdooda nololeed, bedqabkooda, ilaalintooda iyo u fududeynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee danaynaysa inay si iskood ah oo nabad-qab ah ay dib ugu soo guryo-noqdaan dalka, waxaa sidoo kale kulanka lagu faaqiday xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasad iyo ammaan ee Liibiya.