U bood dhigaalka

Madaxweynaha Hirshabeelle in Ka Badan 20 Mashruuc oo Laga Hirgaliyay Degmada Matabaan

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xarigga ka jaray In ka badan 20-mashruuc oo kala duwan oo laga hirgeliyey Degmada Matabaan ee Gobolka Hiraan.

Mashaariicdan ayaa isugu jirtay xarunta maamulka degmada Matabaan, Saldhigga Booliska, Suuqa Xoolaha, Suuqa Ganacsiga, Garoonka Kubbadda cagta, Xarumo Caafimaad, Ceelal iyo Leyrarka Cadceeda ku shaqeeyo.

Dadka deegaanka iyo Guddoomiyaha degmada Matabaan Bashiir Sheekeeye ayaa ugu mahadceliyay Madaxweynaha Hirshabeelle taariikhda uu ka sameeyay degmada Matabaan, waxana munasabadan goobjoog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo mausuliyiin ka tirsan Hirshabeelle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo ku sugan degmadaasi Matabaan ayaa halkaas ka wada kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo waxgaradka iyo bulshada deegaanka.