U bood dhigaalka

Ururka Ibaheyga Islamka oo Cambaareeyay Gumaadka Israel ay Ku Heyso Falastiiniyiinta

Ururka Isbaheysiga islaamka ayaa si adag u cambaareeyey gumaadka joogtada ah ee ciidamada guumeysiga Israa’iil ay ku hayaan shacabka reer Falastiin, iyo beegsiga ku talo-galka ah ee teendhooyinka qaxootiga Falastiiniyiinta ay ka geysato.

Hadal uu u jeediyay Xoghaynta Guud ee Ururka dowladaha iskaashiga islaamka, ahna Guddoomiyaha Hay’adda Culumada Muslimiinta Dr. Muhammad bin Abdulkarim Al-Ciise ayuu ku cambaareeyey xad-gudubyadan joogtada ah ee Israa’iil ku hayso dadka ku nool marinka Qaza, isagoo ku tilmaamay mid ka dhan ah dhammaan qaraarrada caalamiga ah, kuwa bani’aadamnimada iyo caadooyinka ka dhacaya caalamka oo dhan.

Sidoo kale wuxuu tibaaxay in masiibadan bini’aadantinimo ee marinka Qaza ay tahay mid aan hore loo arag oo ay ku sugan yihiin dadka reer Falastiin, wuxuuna ku baaqay in faragelin degdeg ah lagu sameeyo arrintan.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay dadku reer Falastiin ku jiraan dhibaato bini’aadantinimo tii ugu darnayd, maamulka Israa’iilna uu sii wado duqeymaha iyo gumaadka arxan-darrada ah.u