U bood dhigaalka

Dalalka Islaamka oo Ka Horyimid Tallaabada Somaliland ee Qudus

Maajo 24, 2026

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Masar, Sacuudiga, Qatar, Urdun, Turkiga, Pakistan, Indonesia, Jabuuti, Soomaaliya, Falastiin, Cumaan, Suudaan, Yemen, Lubnaan iyo Mauritania ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada ay ku tilmaameen sharci-darro ee maamulka Somaliland uu uga furay “safaarad” magaalada Qudus ee la haysto.

Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen dalalkan ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi ay jebinayso sharciga caalamiga ah iyo go’aannada Qaramada Midoobay, isla markaana ay dhaawacayso xaaladda sharci iyo taariikheed ee magaalada Qudus.

Wasiirradu waxay si cad u diideen tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo lagu beddelayo xaaladda magaalada Qudus, iyagoo xusay in Bariga Qudus uu yahay dhul Falastiiniyiin ah oo la haysto tan iyo sanadkii 1967.

Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu adkeeyay taageerada buuxda ee midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la diiday tallaabo kasta oo wax u dhimaysa qarannimada Soomaaliya.