U bood dhigaalka

Guddiga Fulinta ee IMF oo Soo Gabagabeeyay Dib-u-eegistii Koowaad ee Qorshaha Amaahda Fudud ee Soomaaliya

Go’aanka guddigu wuxuu suurtagelinayaa in si degdeg ah loo sii daayo qiyaastii US$ 10 milyan, oo loogu talagalay taageerada miisaaniyadda Soomaaliya.

Barnaamijkan wuxuu taageerayaa istaraatiijiyadda isbeddelka Waddamada Saboolka si loo xoojiyo hay’adaha muhiimka ah ee dhaqaalaha loona hormariyo xasilloonida iyo kobaca dhaqaale.

Guddiga ayaa sheegay in Tani ay waafaqsan tahay qorshaha horumarinta qaranka ee Soomaaliya iyo aragtida fog ee dowladda ee ilaalinta xasilloonida dhaqaale, xoojinta dakhliga iyo maaraynta maaliyadda dadweynaha, horumarinta maalgelinta, hagaajinta maamulka, iyo kordhinta tirakoobka.

IMF ayaa sidoo kale soo dhawweysay Dadaallada xooggan ee madaxda ee soo saarista dakhliga iyo hirgelintiisa.

“Dadaalka joogtada ah ee kor u qaadida dakhliga gudaha waxa uu caawin doonnaa in lagu helo meel loo isticmaalo kharashaadka mudnaanta leh. Isbeddellada muhiimka ah waxaa ka mid ah casriyeynta kastamka iyo sharciga cusub ee canshuurta dakhliga. Sii xoojinta maaraynta maaliyadda dadweynaha sidoo kale waa muhiim, oo ay ku jiraan horumarinta joogtada ah ee mideynta mushaharka, xoojinta xakamaynta kharashaadka, iyo horumarinta awoodda maaraynta daynta” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay IMF.

War kasoo baxay IMF ayaa intaasi kusii daray “Tallaabooyinka lagu xoojinayo kobaca wada-jirka ah iyo adkaysi ayaa muhiim ah. Madaxda waxay diiradda saarayaan dhisida awoodda qaybta batroolka iyo hirgelinta qaab-dhismeedkeeda sharci. Wax ka qabashada cunto yari, dhisida adkaysi cimilada, iyo kordhinta isku-dhafnaanta ganacsiga ayaa muhiim u ah xaqiijinta horumarinta fog ee Soomaaliya.”