U bood dhigaalka

Wasiirka Maaliyadda oo Ka Qeybgalay Shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Hormarinta Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb-galaya shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika ayaa waxa uu halkaas kulamo gaar ah kula yeeshay madax ka socotay Dowladaha UK, Norway iyo Netherlands.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa si gaar ah ula kulmay Wasiirada Horumarinta Dowladaha UK iyo Norway, Mr. Andrew Mitchell Uk, Mrs. Bjørg Sandkjær Norway. Waxa ay wada hadalkooda diiradda ku saareen mudnaanta dhaqaale ee Soomaaliya deyn cafinta kadib iyo taageerada horumarinta Maaliyadda.

Sidoo kale, Mudane Wasiir Biixi ayaa la kulmay Ergayga gaarka ah ee Bariga Afrika u qaabilsan Dowladda Netherlands Mrs. Sanne Loewenhardt oo ka mid aheyd ka soo qayb galayaasha shirka Bangiga Horumarinta Afrika.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa uga mahadceliyay dhammaan dowladihii uu madaxdooda la kulmay qaabka wanagaasan ee ay uga soo qeyb-qaateen geeddi socodkii hannaanka isbeddalka Maaliyadda Soomaaliya oo soo maray heerar kala duwanaa oo howl badan laga soo qabtay.