U bood dhigaalka

Natiijada Doorashada Koonfur Afrika oo Lagu Dhawaqay iyo Xisbiga ANC oo Markii Ugu Horeysay Guuldareystay

Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa ugu baaqay xisbiyada siyaasadeed ee dalkaas inay ka wada shaqeeyaan danta dalka, islamarkaana laga gudbo wixii kala qeybsanaan ah oo doorashada ka dhashay.

Hadalka Ramaphosa ayaa yimid ka dib markii natiijadii ugu dambeysay ee doorashadii todobaadkii hore uu xisbigiisa ANC ku guuldareystay inuu helo aqlabiyadda baarlamaanka markii ugu horeysay, lana filayo in la dhiso dowlad wadaag ah.

Natiijada lagu dhawaaqay Axadii, ayaa muujinaysay in taageerada xisbigu ay si weyn hoos ugu dhacday markii la fiiriyo codadka uu helay, waana doorashadii ugu xumayd ee soo marta dhaqdhaqaaqa xoreynta Afrika ee ANC oo ah kan ugu da’da weyn ururada siyaasadda dalkaas.

Xisbigaan oo uu hoggaamin jirey madaxweynihii hore Nelson Mandela oo lagu xasuusto inuu soo afjaray xukunkii caddaanka tirada yar ayaa in ka badan 30 dalka majaraha u hayayay, balse guuldarro weyn oo lama filaan ah ayaa kala kulmay doorashadii dabayaaqada May.

ANC ayaa helay 40.2 boqolkiiba coadka la tiriyay, taas oo uu dhiganta in boqolkiiba 57.5 ay hoos u dhacday kurasstii uu baarlamaanka ka heli lahaa, halka xXisbiga ugu weyn mucaaradka,Democratic Alliance (DA) uu helay 21.6 boqolkiiba.

Sidoo kale xisbiga (MK), oo ah xisbi cusub oo uu hogaamiyo madaxweynihii hore iyo hogaamiyaha ANC Jacob Zuma, ayaa ku guuleystey 14.7 boqolkiiba – taasoo ka soo jiidatay codadka ANC.