U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo Ambabaxay New York

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Macalin Fiqi Axmed ayaa u ambabaxay magaalada New York ee dalka Mareykanka, isagoo hogaaminaya wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga qeyb galaya shirka 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, kaasoo lagu wado in 6-da bishan ay ka dhacdo doorashada xubnaha Golaha Ammaanka.

Laga bilaabo Janaayo 1, 2025, Soomaaliya oo ay weheliyaan xubnaha kale ee aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ayaa la filayaa in uu u bilaaban doono muddo xileedkoodu, oo socan doona illaa 31-ka bisha December sanadka 2026.

Musharrixnimada Soomaaliya ee kursiga furan ee Afrika oo loo qoondeeyay dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka Bariga Afrika, ayaa weli ah mid aan loo tartamin, oo la jaan qaadaya qaab-dhismeedka wareegga ah ee kooxda Afrika.

Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday musharaxnimadeeda kursigaas ku aaddan sanadkii 2018, waxaana si rasmi ah loogu ansixiyay Kalfadhiga caadiga ah ee 44-aad ee Golaha Sare ee Midowga Afrika oo dhacay Febraayo 2024.

Soomaaliya oo xubin ka ahayd Qarammada Midoobay tan iyo markii ay xornimada qaadatay 1960-kii, waxay taariikh u leedahay inay la shaqeyso golaha ammaanka, iyadoo kursigan qabatay muddadii u dhexeysay 1971-1972, waxayna qayb ka qaadatay doodo iyo go’aamo looga hadlayay nabadda iyo ammaanka caalamka.