U bood dhigaalka

Maalinta Caalamiga ah ee Deegaanka oo Laga Xusay Qeybo Kamid ah Gobollada Dalka

Ayadoo sanad walba dunida laga xuso maalinta caalamigaa ee deegaanka oo ku beegan 5-ta bisha juun ayaa munaasabado arrintaa la xariira waxaa magaalooyinka muqdisho, Garoowe, Baydhabo, Cadaado, Caabudwaaq iyo meela kale oo dalka kamid ah.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda, madaxda Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed, iyo xubno Kale oo munaasabadahaas ka qeyb-galay ayaa si qoto dheer uga hadlay ahmiyadda ay maalintaani leedahay, ayagoo tilmaamay sida ay laga maarmaan u tahay in la ilaaliyo deegaanka.

Agaasimaha wasaaradda deegaanka iyo isbadelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tibaaxay in deegaanku uu haya waxa ugu muhiimsan nolosha, sidaa awgeedna loo baahanyahay in laga hortago waxyaabaha keena nabaad guur iyo abaaraha oo ah jaridda dhirta, isagoo xusay in hal ku dhegga sanadkan ee dowladdu uu yahay “dib u soo noolaynta dhulkii burburay”.

Dhammaan magaalooyinka ay munaasabadani ka dhacday ayaa laga sameeyay olole dhir beeris iyo nadaafadayn ah, ayadoo lagu baaqay in bulshada lagu wacyi-geliyo ilaalinta deegaanka.

Maalinta caalamiga ah ee deegaanka ayaa la asteeyay sanadkii 1973-dii, waxaana sanad kasta munaasabadaha xuska ah diiradda lagu saaraa dhibaatooyinka haysta deegaanada dunida sida abaaraha, nabaad guurka, isbadelka cimilada, iyo wasakhowga hawada.