U bood dhigaalka

Munaasabad Soo Dhoweyn ah oo Taliyaha Ciidanka Xoogga Looga Sameeyay Roma

Munaasabad si weyn loo agaasimay oo lagu soo dhowaynayay wafdiga uu Hoggaaminayay Taliyaha ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa lagu qabtay magaalada Rooma ee caasimadda dalkaas, waxaana goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidamada Milateriga Talyaaniga Admiral Giuseppe Cavo Dragone.

Sidoo kale Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin iyo Taliyaha ciidamada Dowladda Talyaaniga ayaa ubax dhigay Taallada Daljirka Talyaaniga ee loo yaqaan Taallada geesiyaashii Ciidamada Talyaaniga.

Labada Taliye ayaa ka wada-hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac iyo sidii dowladda Talyaaniga ay garab istaag buuxa u siin lahayd dib u habeynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Talyaaniga ayaa kamida dalalka Soomaaliya xariirka qota dheer la leh, wuxuuna siiyaa taageero amni, mid waxbarasho, iyo gargaar bini’aadantinimo.