U bood dhigaalka

Safiirka Cusub ee Soomaaliya u Dirtay Masar oo Nuqul Kamid ah Warqadaha Aqoonsiga Laga Guddoomay

Safiirka J.F.S ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ali Abdi Awaare ayaa Maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo guddoonsiiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Mudane Sameh Shoukry.

Ugu horeeyn Danjire Ali Abdi Awaare ayaa uga Mahadceliyey Wasiirka Arimaha Dibada Dawladda Masar sida wanaagsan ee uu uqaabilay.

Waxaa u gudbiyey salaan iyo bogaadin uu faray Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya, isaga oo sidoo kale u rajeeyey caafimaad iyo horumar guud ahaan Shacabka Masar iyo hoggaamiyahooda Madaxweyne Cabdel Fataax Al-Sisi.

Kulanka kadib ayuu safiirka Soomaaliya ee Masar sheegay inu sii xoojin doono xiriirka qotada dheer ee taariikhiga ah ee ka dhexeeya shacabka iyo Labadda dal gaar ahaan dhinacyada Amniga iyo Dhaqaalaha.