U bood dhigaalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Guddoomiyay Kulanka Banbaxa Guddiga Joogtada ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir Guddoomiyay kulanka banbaxa Guddiga Joogtada oo ku qabsoomay magaaladda Kismaayo ee xarunta Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Ugu horeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka furay ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah kula dardaarmay in maalmaha kulanka uu u socda ay si mira dhal ah uga doodaan ajendayaasha kalfadhiga shanaad ee golaha Shacabka.

Xubnaha Guddiga Joogtada ah ee golaha Shacabka ayaa ka dooday sida loo wajahayo kulamada Guddiga Joogtada ah ee maalmahan ka socon doona Kismaayo, waxaana kulamadaas looga doodi doonaa jadwalka kalfadhiga shanaad ee golaha Shacabka.

https://we.tl/t-NbrqbBWDcx