U bood dhigaalka

Mareykanka oo Ciidankiisa Kala Baxaya Niger iyo Ruushka oo Durba Lagu Arkay

Wararka ka imaanaya dalk Niger ayaa sheegaya in diyaarad sida qalab milatari iyo cutubyo ka tirsan ciidanka Mareykanku ay ka duushay gegi ku taalla duleedka caasimadda Niamey, taas oo ah tillaabadii ugu horreysay ee lagu daadguraynayo ciidamada Mareykanka ee dalkaas ku sugan.

Bishii la soo dhaafay, Mareykanka iyo Niger waxay gaareen heshiis ku saabsan ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee dalka, muddo afar bilood gudohood ah, ayadoo la daadguraynayo ku dhawaad ​​1,000 askari oo Mareykan ah iyo qalab militari.

Niger ayaa Mareykanka isbahaysiga muhiim ah ugu ahayd howl-galladiisa ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah ee gobolka, asagoo saldhigyo waaweyn halkaas ku lahaa, balse afgambigii ka dhacay Niger bishii juulay ee sanadkii hore ayaa hakad geliyay wada-shaqayntii labada dhinac.

Intaa ka dib xariirka u dhexeeya Maraykanka iyo taliskii militariga ee dalka Niger ayaa sii xumaanayay, iyadoo maamulka Biden uu ku baaqay in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah, hoggaamiyeyaasha Niamey-na ay Ruushka xulufo u noqdeen.

In kasta oo ay jiraan dadaallo lagu doonayay in lagu sii wado joogitaanka milatariga Niger, haddana taliska militariga ayaa ku baaqay horaantii sanadkan in ciidamada Mareykanka laga saaro dalka.

Mareykanka ayaa sidoo kale lagu qasbay inuu sugo inta ciidamada militariga Niger ay ansixiyaan ogolaanshaha duullimaadyada si uu ula baxo ciidankiisa iyo qalabka, taasoo keentay in askar badan oo Mareykan ihi ay dayaarado shacab ama kuwo ganacsi dalka uga baxaan.

Si kastaba ha ahaatee bixitaanka ciidanka Mareykanka ee Niger ayaa ku soo beegmaya xilli uu sii xoogaysanayo xariirka Ruushka iyo dalalka galbeedka Afrika, mooskona ay ciidamo ka joogaan gudaha Niger.