U bood dhigaalka

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Wasiir Cusub Magacaabay oo Kamid Noqnaya Xukuumadda

Maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa marka uu arkay qoddobada 56-aad iyo 57-aad ee Dastuurka Dowladda Hirshabeelle waxa uu xilka ka qaaday Mudane Maxamed Faarax Cali Wasiirkii Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Hirshabeelle.

Kaddib markii uu arkay Madaxweynaha aqoonta iyo waayo-aragnimada uu leeyahay Mudane Maxamed Sheekh Maxamuud Yuusuf ayaa waxa uu u magacaabay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Hirshabeelle.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa faray Wasiirka cusub inuu dardargeliyo howlaha baaxada leh ee hortebinta u leh Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.