U bood dhigaalka

Xukuumadda Soomaaliya oo Wadda Dadaallo Lagu Joojinaayo Dagaal Beeleedyada Galgaduud

Ra,iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Saalax jaamac ayaa war kasoo saaray dagaal beeleedyada khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay gobolka Galgaduud gaar ahaan inta u dhaxeysa Xeraale iyo Caabudwaaq.

Mudane Saalax ayaa Marka hore waxa uu tacsi u diray dadkii ku dhintay shaqaaqada ka dhacday woqooyiga gobolka Galguduud, waxaana uu Ilaahay u ga baryayay in uu caafimaad siiyo intii ku dhaawacantay.

Waxaa uu sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay aad u ga xuntahay colaadda u dhexeysa dadka ehelka iyo oodwadaagga ah, waxaana uu odayaasha, dhaqanka, waxgaradka, iyo culumada diinta ee guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, iyo si gaar ah kuwa labada deegaan, u gu baaqday in ay dadaalkooda isu gu geeyaan deminta colaaddaas.

“Annaga oo ka damqaneyna dhibka dhacay waxa aan maanta guddoomiyey shir ay isu gu yimaadeen mas’uuliyiinta labada gole ee ka soo jeeda labadan deegaan, kaas oo aan u ga arrinsannay sidii loo demin lahaa colaadda.Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa si wadajir ah intii uu shirku socday u la hadlay hoggaanka dhaqanka, dadka deegaanka, iyo waxgaradka labada dhinac oo dhankooda soo dhoweeyey in nabad la gu dhammeeyo colaaddaas”.

Waxaa uu intaasi kusii daray “U gu dambeyn, waxa aan mar kale u gu baaqeynaa odayaasha, dhaqanka, waxgaradka, iyo culumada diinta, iyo dadka taladu ka go’do ee bulshadan walaalaha ah in si shuruud la’aan ah colaaddan loo joojiyo, waxa na aan madaxda iyo maamulka Galmudug ku dhiirragelinaynaa dadaalka la gu joojinayo dhibkan iyo in xal waara oo loo aayo la ga gaadho shaqaaqadan.”