U bood dhigaalka

Maxay Looga Hadlay Kulanka Wasiirka Gaashaandhigga iyo James Swan?

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) James Swan ayaa magaalada muqdisho ku yeeashay kulan looga hadlayay horumarka laga gaaray dagaalka ka dhanka kooxda Alshabab, dhimista ATMIS, iyo dib u habeynta ammaanka dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed oo ka warbixiyay horumarka baaxadda leh ee laga gaaray howl-galadda ay ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanku ka wadaan gobollada ddalka, dhanka kalena wuxuu tilmaamay muhiimada ay xiligan leedahay xoojinta taageerada UNSOM.

Siihayaha ergayga gaarka ee Qaramada, Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) James Swan ayaa dhankiisa Dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed ku bogaadiyay sida naf hurnimada le ee uu uga go’anyahay dagaalka ka dhanka kooxda Alshabaab, si Soomaaliya looga dhigo dal nabad oo xasilloon.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli ay Soomaaliya dhowaan xubin ka noqatay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, islamarkaana ay qeyb ka noqan doonto go’aamo iyo tillaabooyin badan oo nabadyada dunida ku saansan.